9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 20, 2024
Ciidanka Booliiska oo Muqdisho ku qabtay hub sharci daro ah iyo raggii ka ganacsanayay
 

Jimco, September, 20, 2024 (HOL) - Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa howlgalo ay ka wadeen maalmahii lasoo dhaafay degmooyinka magaalada Muqdisho kusoo qabtay hub sharci daro ah iyo afar ruux oo la sheegay iney ka ganacsayeen hubka.

Xarunta dhexe ee ciidanka Booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu soo bandhigay hubka oo ka koobnaa 33 qori oo AK-47 ah iyo afar qori oo PKM ah oo lagu soo qabtay howlgalada ciidanku ka sameeyeen Muqdisho.

Taliyaha qeybta guud ee ciidanka Booliiska gobolka Banaadir Mahdi Cumar Muumin ayaa sheegay in ganacsatada la xiray la horgeyn keeni doono maxkamada, wuxuuna dadka reer Muqdisho ka dalbaday iney si dhow ula shaqeeyaan ciidamada amaanka, si loo xaqiijiyo amniga Muqdisho loona suuliyo hubka sharci darada ah.

"Waa waxan la aqbali karin in hub sharci darro ah lagu iibiyo degmooyinka gobolka Banaadir, waxaan xiri doonnaa kuwa wali hubka ku haysta guryahooda" ayay yiri Taliye Mahdi Cumar Muumin.

Wuxuu sidoo kale sheegay Taliyaha qeybta guud in la mamnuucay ganacsiga hubka, islamarkaana sidoo kale la ogolaan doonin in masuuliyiinta guryahooda ku heysantaan hub aan diwaan gashaneyn.

Howlgalkaan ayaa ahaa mid daba socday go'aankii kasoo baxay Golaha Wasiirada Soomaaliya bishii July ee sanadkaan 2024-ka, kaasoo lagu mamnuucayay ka ganacsiga hubka ee hay’adaha aan dowliga ahayn si loo adkeeyo amaanka guud ee magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.