9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 20, 2024
Madaxweynaha Mareykanka oo Warqadaha Aqoosniga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Soomaaliya

Jimco, September, 20, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Mareykanka Joe Biden ayaa si rasmi ah warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya u magacaawday dalka Mareykanka Daahir Xasan Carab.

Danjiraha Soomaaliya ee Washington Daahir Xasan Carab ayaa sheegay in madaxweyne Biden uu kala hadlay adkeynta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Mareykanka.

Danjire Daahir Carab ayaa sidoo kale sheegay inuu uga mahad celiyay dowladda Mareykanka taageeradeeda Soomaaliya ee dhinacyada amaanka, xuquuqul insaanka iyo bani'aadannimada iyo dhinacyada kale ee horumarinta.

"Madaxweyne Biden wuxuu balanqaaday in mar walba ay garan taagan yihiin Soomaaliya, ayna ka caawinayaan dhinacyada nabada,  horumarka, dib u dhiska iyo dowlad wanaaga" ayuu yiri Danjire Daahir Xasan Carab.

Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona magaalada Washington ayaa xusay inuu la wadaagay madaxweynaha xilka kasii dagaya ee dalkaasi Mareykanka Joe Biden dhambaal Hambalyo ah oo uu ka siday Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyntii Danjire Daahir Xasan Carab ayaa ka mid ahaa 12 Safiiro iyo ku xigeennadooda oo dhawaan dowladda Federaalka magacawday, waxaana xusid mudan in Danjire Daahir Carab uu muddo dheer guddoomiye kasoo ahaa jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho.