9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 20, 2024
Diyaarad Helikabtar ah oo ku dhacday duuleedka magaalada Muqdisho
 

Jimco, September, 20, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo bacaya diyaarad Helikabtar ah oo nooca qumaatiga u kacda oo ay saarnayeen ciidamo ka tirsan kuwa Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, taasoo galinkii dambe ee Shalay ku dhacday duuleedka magaalada Muqdisho.

Diyaaradaan dhacday ayaa lasoo wariyay iney saarnayeen ilaa sadax askari oo u dhashay dalka Uganda oo ka tirsanaa howlgalka ATMIS.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in lasoo badbaadiyay askarta saarneyd diyaarada oo aysan jirin wax dhimasho ah, waxaana diyaaradu ay ku dhacday beer u dhaweyd xero ciidanka ATMIS ay ku leeyihiin deegaanka Carbiska.

Diyaaradaan shilka gashay ayaa ka ambabaxday garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxayna kusii jeeday garoonka Balidoogle, taasoo siday sida wararku sheegayaan sahay ciidan.

Majirto ilaa hada wax war ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amaanka dowladda Soomaaliya iyo Taliska howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS oo ku aadan sababta rasmiga ah ee keentay burburka diyaarada.

Ugu dambeyntii sanadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii sidan oo kale diyaarad Helikabtar aheyd oo ka baxday Baledweyne ay ku dhacday deegaan ku yaala gobolka Mudug oo ay ku sugnayeen Al-shabaab, taasoo u gacan gashay kooxda.