9/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 1 , 2024
Maxay tahay sababta uu Madaxweyne Xasan Sheikh ku eryay ergaygii u qaabilsanaa caafimaadka iyo Nafaqada?
 

Axad, September, 1, 2024 (HOL) -Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku dhowaaqay xil ka qaadis uu ku sameeyay C/rashiid Maxamed Nuur Jiilley oo ahaa Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqeynta.

War-saxaafadeed uu soo saaray madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud laguma sheegin sababta xilka ergayga looga qaaday xildhibaan C/rashiid Maxamed Nuur Jiilley, hase ahaatee waxaa madaxweynuhu sheegay in  muwaadiniinta iyo masuuliyiinta looga baahan yahay inay ilaaliyaan waajibaadkooda si looga hortago khataraha jira ee ku wajahan qarannimada iyo wadajirka Soomaaliyeed.

Tallaabadan ayaa timid maalin kadib markii xildhibaan Jiileey uu kasoo muuqday shir jaraa’id oo ay xildhibaano katirsan baarlamaanku ku sheegeen in ay taageersan yihiin mudaaharaadyo lagu taageerayo joogitaanka ciidamada Itoobiya oo ka dhacay degaano kala duwan oo ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxtooyada Soomaaliya oo ka xumaatay warkaas ayaa baarlamaanka ku riixaysa in tallaabo laga qaado xildhibaanada taageeray joogitaanka ciidamada Ethiopia. Warar aan si dhab ah loo hubin ayaa sheegaya in mooshin laga diyaariyay  xildhibaanadaas, iyagoo lagu eedeeyay tallaabo kasoo horjeedda qaranimada Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa waxaa ka dhex taagan xiisad adag oo ka dhalatay heshiiskii marin-biyoodka ee ay Ethiopia ay la gashay maamulka Somaliland. Soomaaliya ayaa heshiiska kaga jawaabtay inay xiriirka u jartay Ethiopia, waxayna haatan doonaysaa in ciidamada Ethiopia laga saaro dalka si loogu beddelo ciidamo ka socda Masar.