9/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 1 , 2024
Sarkaal katirsan Booliiska Puntland oo sheegay inay Garowe ka buuxaan Shabaab iyo Daacish
 

Axad, September, 1, 2024 (HOL) - Sarkaal katirsan ciidanka Booliiska Puntland ayaa sheegay inay magaalada Garowe ku sugan yihiin dad katirsan Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo uu tilmaamay inay isku dayayaan inay falal argigixiso ka geystaan  gudaheeda.

Sarkaalkan oo ka hadlayay kulan amniga lagu xoojinayay oo ka dhacay magaalada Garowe, ayaa warbaahinta ka sheegay in loo baahan yahay in amniga aad loo xoojiyo, booliiskana loosoo gudbiyo cid kaste oo laga shakiyo.

Wuxuu sheegay sheegay in ay amniga  walaaca weyn ku hayaan dadka kasoo jeeda Ethiopia ee kusoo quqlulaya magaalada Garowe, kuwaas oo uu sheegay in loo adeegsan karo falalka amni darrada ah.

Hadalkiisa ayaa kusoo beegmay, iyadoo laamaha amniga Puntland ay dhawaan gacanta ku dhigeen 7 qof oo looga shakisan yahay inay katirsan yihiin kooxda Alshabaab.

Hay’adaha amniga ayaa baaritaan ku wada dadkaan, welise si rasmi booliiska uga ma hadlin tuhmanayaasha.

Si kastaba ha ahaatee, Puntland ayaa aad u adkaysay amniga magaalooyinka Gaalkacyo, Garowe iyo Boosaaso, waxaana sida aan xogta ku helnay la xiray dad badan oo looga shakisan yahay inay xiriir laleeyihiin kooxahaas.

Walaaca amniga Puntland ayaa yimid, iyadoo maalmo ka hor Puntland lagu qabtay Kartoomo lagusoo qariyay diyaaradaha wax basaasa ee Drones loo  yaqan, kuwaas oo la sheegay inay xambaari karaan qaraxyada.