9/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 1 , 2024
Askari ka tirsan ciidanka dowladda oo Baledweyne ku dilay wiil dhalinyaro ahaa
 

Axad, September, 1, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil duhurnimadii maanta loogu geystay gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan wiil ka mid ahaa dhalinyaro magaaladaas.

Dilka wiilka dhalinyarada ah ayaa ka dhacay barkoontarool oo ku taala Xaafada Howlwadaag waxaana dilkaasi geystay askari ka tirsan ciidanka dowladda oo ku sugnaa bartakoontarool oo ah goob gaadiidka lagu baaro.

Wiilka dhalinyarada ah ee la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdiwali Shiine, waxaana dad goobjoogayaal ah ay inoo sheegeen in dilkisa uu ka dhashay murun dhexmaray isaga iyo askariga dilay.

Cabdiwali Shiine ayaa ka mid aha dhalinyarada caanka ka ah gudaha magaalada Baledweyne gaar ahaan Xaafada Howlwadaag ee Galbeedka Baledweyne.

Ugu dambeyntii dilkaan ayaa qeyb ka noqonaya dilalka inta badan sida bareerka ah ugu geystaan dadka shacabka ah qaarka mid ah askarta ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya.