12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 9 , 2024
Jubaland oo ku eedeysay Dowladda Federaalka inay Ciidamo kasoo saareyso furimaha dagaalka
 

Sabti, November, 9, 2024 (HOL) - Wasaaradda amniga Gudaha ee Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa sheegtay in Dowladda Federaalka ay xagal daacinayso howlgalka lagula dagaalamayo Kooxda Al shabaab iyadoo Ciidanka Xoogga Dalka kasoo saareysa furimaha dagaalka si ay usoo galaan magaalooyinka waa weyn ee Jubaland.

Wasaaradda amniga waxa ay shaaca ka qaaday inay ka digayso cawaaqib xumida ka dhalan karta hadii ay sii socdaan tallaabooyinka ay Dowladda Ciidamada uga soo saareyso furimaha dagaalka si ay qalalaaso uga abuuraan gudaha magaalada Kismaayo.

Dhamaan howlahaani oo dhami waxa ay Jubaland ay shaaca ka qaaday inay dhabar Jab kunoqon doonto guulihii bilihii laasoo dhaafay laga soo hoyay dagaalka lagula jiro Kooxda Al shabaab.

Halkaan hoose ka akhri warsaxaafadeedka kaasoo baxay Wasaaradda amniga gudaha Jubbaland.