Sabti, November, 9, 2024 (HOL) - Wasiirka Warfaafinta dowlad goboleedka Puntland, Eng. Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan hadalkii madaxweyne Xasan Sheikh uu dhawaan sheegay ee ahaa inuu diyaar u yahay inuu yimaado magaalada Garowe si uu garnaqsado.
Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay inay taladu ku jirto in la isku yimaado oo laga wada hadlo sidii doorasho lagu midaysan yahay ay dalka uga dhaci lahayd 2026.
Inkastoo wasiir Caydiid uu sheegay inay soo dhoweynayaan hadalka madaxweyne Xasan Sheikh, haddana wuxuu sheegay in madaxweynuhu uusan diyaar u ahayn in si dhab ah loo wada hadlo.
Eng. Caydiid wuxuu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya aysan awood u lahayn inay Afgooye ka qabato doorasho qof iyo cod, isagoo sheegay in loo baahan yahay in xaqiiqda la wajaho.
Wuxuu ku eedeeyay dowladda Federaalku inay ka shaqeynayo in lakala qeybiyo dowladaha xubnaha ka ah dowlad Federaalka, dhexdoodana laga abuuro khilaafaadka iyo xasilooni darro amni.
Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa dhawaan sheegay inuu diyaar u yahay inuu u tago dowlad goboleedyada ka maqan miiska wada xaajoodka dalka. Wuxuu sheegay haddii ay raali ka yihiin inuu ugu tegi doono degaanadooda, si dalku uga gudbo khilaafka hareeyay.