12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 9 , 2024
Mahdi Guuleed oo loo doortay Gudoomiyaha Guddiga Diyaarinta Xeerka Doorashooyinka Qof iyo Cod
 

Sabti, November, 9, 2024 (HOL) - Villa Hargeysa maanta waxaa ka dhacay fadhi ay iskugu yimaadeen  Guddiga Kumeel gaarka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, Ururada iyo Xisbiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo sidoo kale soohdimaha waxaana ay iska dhex doorteen Gudoomiye iyo Gudoomiye Kuxigeen si loo dardargeliyo Shaqada Guddiga hortaala oo ay ugu weyntahay diyaarinta xeerarka Doorashooyinka iyo xisbiyada.

Guddigaan oo ka kooban Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya waxa ay doorasho gacan taag ah ugu codeeyeen in Raysal Wasaare Kuxigeenkii hore, Xildhibaan Mahdi Guuleed inuu noqdo Gudoomiyaha Guddiga halka Gudoomiye Kuxigeenka Guddiga ay u doorteen inuu noqdo Senator Iftiin Xasan Iimaan Baasto.

Doorashaan xubnaha ay Guddiga iska dhex doorteen waxaa goob joog ahaa Gudoomiye Kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya Cabdullaahi Cumar Abahirow.

Magacaabista Guddiga ayaa durba waxaa soo baxaya dhaliilo xoogan oo loo jeedinayo, waxaana ugu dambeeyay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi Shakur oo ku tilmaamay kuwa si sharci daro loo dhisay waxaana uu sheegay in magacaabistooda ay baalmarsan tahay Dastuurka KMG ee dalka.