Hiiraan Online
12/21/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Talaado, Nov 12, 2024
Xildhibaanada federaalka ee laga soo doorto Puntland oo sharci daro ku tilmaamay Guddiga KMG Doorashada
Talaado, November, 12, 2024 (HOL) - Xildhibaanada labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doortay Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay in kaddib markii ay wadatashi ay la sameeyeen bulshada iyo Dawladda Puntland goloyaasheeda kal duwan, ay isla qaateen in Guddoonka labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya uu dhisay guddi aan waafaqsanayn dastuurka dalka waxaana ay soo saareen warmurtiyeed ka kooban dhowr qodob oo ay kaga hadleen arrimahaasi iyagoo dowladda federaalkana eedeymo kulul ujeediyay.
Waxa ay warmurtiyoodkoodi ku cadeeyeen in aysan qayb ka ahayn hab ay ku tilmaameen mid juub juub ah oo la rabo in si sharcidarro ah lagu marsado golayaasha sharci dejinta federaalka sharciyada guddiga doorashooyinka, axsaabta iyo doorashooyinka, kuwaas oo dhamman baalmarsan dastuurkii dadka Soomaaliyeed ku heshiiyeen August 1, 2012.
Sidoo kale waxa ay digniin culus ay u direen Dowladda federaalka Soomaaliya inay joojiso siyaasadaynta mashaariicda dalka waxaana ay ka digeen in ay u isticmaalayaan cuno qabataynta bulshada ku nool dawaladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ee qaatay go'aano ay ku diidanyihiin sharcidarada iyo baal-marka dastuurka dalka.
Xildhibaanadaan ayaa sheegay in xukuumadda ay wado faragalin ay ku hayso siyaasada gudaha ee Dowlad Goboleedyada Jubaland iyo Puntland waxaana xukuumadda ay u digeen inay falalka noocasi oo kale ay joogteeyso.
HALKAAN HOOS KA AKHRISO WARMURTIYEEDKA KASOO BAXAY XILDHIBAANADA:-