1/6/2025
Today from Hiiraan Online: SODMA commissioner, UN delegation discuss drought response a...
Wararka Maanta- Talaado, Nov 12, 2024
Amaanka Magaalada Kismaayo oo si weyn loo adkeeyay
 

Talaado, November, 12, 2024 (HOL) - Waxaa si weyn loo kordhiyey tallaabooyinka sugida amaanka magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda, iyadoo gudaha magaalada lagu arkayo ciidamo aad u fara badan, waxaana aad loo adkeeyay heeganka xarumaha muhiimka ah oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Kolonyada gaashaaman iyo kuwa ciidamada daabula ayaa hadda si caadi ah loogu arkayaa waddooyinka, taasi oo ka tarjumeysa dardar gelinta dadaallada lagu adkeynayo ammaanka magaalada.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in si joogta ah loo baarayo dadka iyo gadiidka kasoo gudbaya kontaroolada iyadoona ciidamada meelaha qaar ay ku kordhiyeen roondooyinka.

Amnigaan oo aad loo adkeeyay ayaa ka dambeeyay kadib markii maalmihii lasoo dhaafay ay cirka isku sii shareereysay xiisadda u dhaxeysa maamulka Jubbaland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo salka ku haya is afgaran waaga ku saabsan arrimaha federaalka, wax ka bedelka dastuurka, hanaanka doorashada.

Ilo ku dhow dhow madaxtooyada Jubaland ayaa sheegaya in kordhinta ciidamada ee magaalada Kismaayo ay qeyb ka tahay walaaca laga qabo in xiisadaha taagan ay khalkhal galiyaan dowladnimada iyo in Al-Shabaab ay fursad ka dhex raadiso si ay uga faa’ideystaan ​​kala qeybsanaanta.