6/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 23, 2024
Golaha Ammaanka oo Cunaqabatayn kusoo rogay hoggaamiyayaal katirsan Alshabaab
 

Khamiis, May, 23, 2024 (HOL) - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa mar kale cunaqabateyn ku soo rogay hoggaamiyeyaal ka tirsan Al-Shabaab.

Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir, Maxamed Cumar Maxamed iyo Maxamed Maxamuud Mire ayaa lagu eedeeyay inay ka qayb qaateen maalgelinta, qorsheynta, fududaynta, iyo diyaarinta dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in saddexda hoggaamiye lagu daray liiska cunaqabateynta ee hoos yimaada Qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2713.

Waxaa lagu soo rogay cunaqabayn ka dhan ah lacagaha ugu kaydsan bangiyadooda iyo xayiraad dhanka socdaalka ah.

“Al-Shabaab waa Argagixiso rabshado badan, oo mas’uul ka ah dhimashada rayidka, hawl-wadeennada, shaqaalaha gargaarka iyo suxufiyiinta, waa in lala xisaabtamo,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Go'aankan cunaqabataynta ah ayaa la sheegay inuu ka yimid codsi ay dowladda Soomaaliya u gudbisay Golaha Ammaanka.