6/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 23, 2024
Dr. Cali Saciid Faqi: Waa nasiib darro wararka sheegaya inay Soomaaliya ka tanaasulayso musharaxnimada Midowga Afrika
 

Khamiis, May, 23, 2024 (HOL) - Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed, haatanna ah xildhibaan katirsan baarlamaanka aqalka hoose, Dr Cali Saciid Faqi ayaa sheegay inay jiraan, warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay ka dalbaneyso Fawzia H. Adam in ay ka tanaasusho musharaxnimadeeda gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika.

Dr Cali Saciid Faqi ayaa sheegay, haddii uu warkaasi uu dhab noqdo uu ahaan doono mid aad looga xumaado maaddaama ay Soomaaliya ku noqon doonto khasaare weyn sida uu sheegay.

“Doorka guddoomiyaha AUC wuxuu xambaarsan yahay saameyn aad u weyn, mana aha oo kaliya mid waxtar u leh dalka laakiin sidoo kale wuxuu kor u qaadayaa maqaamkeenna qaran,” ayuu yiri Faqi.

Faqi wuxuu sheegay in guddoomiyaha Midowga Afrika wuxuu fursad siin doona Soomaaliya inay door hoggaamineed ku yeelato Midowga Afrika oo ay gacan ka geysato qaabeynta ajendaha iyo siyaasadda ururka.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in Soomaaliya u ogolaan doonto in ay cod weyn ku yeelato arrimaha gobolka iyo in la helo gogol looga hadlo arrimaha muhiimka u ah Soomaaliya iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Waxaa uu Dowladda Soomaaliya kula taliyay in ay ka fiirsato inta aysan qaadan go’aankan oo kale.

Hadalkiisa ayaa kusoo beegmay, iyadoo dowladda Kenya ay ka shaqaynayso inay Soomaaliya ku qanciso inay ka laabato tartanka kursiga Midowga Afrika, si uu fursad fiican u helo hoggaamiyaha mucaaradka Kenya, Raila Odinga oo ay dowladda Kenya xilkaas u waddo.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa dhawaan meesha ka saaray in Soomaaliya ay ka baxayso tartanka, hase ahaatee warbaahinta Kenya ayaa qoraysa in Kenya ay weli ku dadaalayso in ay Soomaaliya ku qanciso inay uga tanaasusho loolanka kursigaas.

Musharraxiinta guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ayaa laga sugayaa inay araajidooda soo gudbiyaan bisha August ee sannadkan, iyadoo doorashada ay ku beegan tahay bilowga sanadka cusub ee 2025.