6/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 23, 2024
Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Wakiiladda Koonfur Galbeed oo lagu dilay magaalada Muqdisho

Khamiis, May, 23, 2024 (HOL) - Waxaa Xalay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya lagu dilay Xildhibaan Ibraahin Cabdi Cabdiraxmaan oo ka tirsanaa Baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Kooxo Bastoolado ku hubeysnaa ayaa geystay dilka Xildhibaanka kuwaas oo qeybaha sare ee jirkiisa kaga dhuftay dhowr xabadood, taasoo keentay in Xildhibaanka uu ku geeriyoodo isla goobta.

Alle ha u naxariiste marxuumka ayaa la sheegay in maalmahii lasoo dhaafay uu magaalada Muqdisho u joogay howlo shaqo, waxaana geeridiisa ka tacsiyadeeyay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Madaxweyne Laftagareen ayaa sheegay in dilka Xildhibaan Ibraahin Cabdi Cabdiraxmaan ay ka dambeeyaan kooxda Al-shabaab, isagona sheegay in Xildhibaanka uu ka mid ahaa dadka doorka weyn kasoo qaatay nabadda, dowlad dhiska iyo arrimaha dib u heshiisiinta bulshada reer Koonfur Galbeed.

"Waxaan Alle u weydiinayaa in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday. Madaxweyne Laftagareen ayaa Alle uweydiiyey Xildhibaanka in Hoygiisa uu ka yeelo Janatul Firdowsa Ehelka, Qarabada iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeedna uu Samir iyo Iiman uu Alle ka siiyo" ayuu yiri madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.