7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 11, 2024
Wasiir Fiqi: Waxaan kursiga AU-da kula tartamaynaa Raila Odinga oo doonaya in Soomaaliya ay kala go'do
 

Sabti, May, 11, 2024 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay, dowladda Soomaaliya in ay ka go’an tahay inay u tartanto doorashada kursiga guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.  

Wasiirka arrimaha dibbada, ayaa sheegay, tartankaan inuu yahay fursad weyn oo Soomaaliya aan soo maridoonin afartanka sano ee soo socda.

Sidaas awgeed, wuxuu sheegay in Soomaaliya ay wax walba ku bixinayso sidii ay ugu guulaysan lahayd kursigaas muhiimka ah.

Wasiir Fiqi waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si buuxda u garab istaagsan tahay musharaxeeda wasiirkii hore ee arrimaha dibadda, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, isagoo caddeeyay in dadaal badan loo galay in Soomaaliya ay hesho taageerayaal badan.

Wuxuu sheegay, Soomaaliya inay la tartamayso, hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga oo uu sheegay inuu aaminsan yahay in Soomaaliya la kala qeybiyo, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in soomaalidu garab istaagto Fowsiyo Xaaji Aadam.

Si kastaba ha ahaatee, Kenya ayaa maalmahan wadday wadahadallo ay Soomaaliya uga dhaadhicineyso inay ka tanaasusho musharaxnimadeeda guddiga Midowga Afrika, si ay u taageerto Raila Odinga oo Kenya u sharraxan.

Soomaaliya ayaa haysata taageerada ku dhawaad 30 dal oo Afrikaan ah oo ku jira ururka iskaashiga Islaamka.