7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 11, 2024
Baledweyne oo si weyn looga dareemayo diyaar garowga xaflada Caleema saarka Ugaaska Beelaha Xawaadle
 

Sabti, May, 11, 2024 (HOL) - Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa saacadahii lasoo dhaafay soo gaaray inta badan Xildhibaanada Beelaha Xawaadle ku matala Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, Agaasimaha hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe, masuuliyiin kale iyo dad weyne oo farabadan.  

Masuuliyiintaan kala duwan ee soo gaaray Baledweyne ayaa u yimid ka qeybgalka xaflada lagu Caleema saarayo Ugaaska guud ee beelaha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, taasoo ku beegan 13-ka bishaan May oo ay ka dhiman tahay berito oo qura.

Sikastaba ha ahaate, iydoo Baledweyne ay soo buux dhaafiyeen martida ka qeybgaleysa xaflada duubka Caleema saarka Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan ayaa hadana waxaa soo baxaya qorshe odayaasha dhaqanka degmada Buula burte ay ku doonayaan in Baledweyne uga wareejiyaan xaflada Caleema saarka Ugaas Xasan.

"Anagoo ah Xawaadlaha degmada Buula burte waxaan garawsanay in duubka Ugaaska laga dhigo halkii horay Ugaasyada loogu duubi jiray ee aheyd Ceel dheer Daharo Ugaas, marka waxaan dooneynaya in Xawaadlaha kale nala qaataan" ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka Xawaadle ee degmada Buula burte.

Dalabkaan kasoo yeeray Odayaasha iyo waxgaradka  Xawaadle ee magaalada Buula burte ayaa durba noqday mid walaac horleh kusoo kordhiyay qabsoomida xaflada lagu caleema saarayo Ugaaska Beelaha Xawaadle, waxaana xusid mudan in dhowr jeer oo horay loo iclaamiyay caleema saarka Ugaaska inuu ku yimid dib dhacyo.

Ugu dambeyntii amaanka guud ee magaalada Baledweyne oo ay ku sugan yihiin masuuliyiin kala duwan marti sharaf kale ayaa si weyn loo adkeeyay waxaaba wadooyinka muhiimka ah taagan ciidamo aad u farabadan oo xaqiijinaya amniga magaalada iyo goobta loo qorsheeyay xaflada iney ka dhacdo oo ah garoonka Kubadda Cagta Laqanyo.