7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 11, 2024
Xasan Sheikh: Soomaaliya waxay diyaar u tahay dhammaan fursadaha diblumaasiyadeed ee lagu xalin karo ismariwaaga Itoobiya
 

Sabti, May, 11, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in ay Soomaaliya diyaar u tahay in ay raacdo dhammaan fursadaha diblumaasiyadeed ee lagu xalin karo ismariwaaga kala dhaxeeya Itoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay haddii taas la waayo  in Soomaaliya ay diyaar u tahay dagaal, wuxuuna carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo nabad ku wada noolaanshaha balse aan waxba loo dhimin midnimada dhuleed iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay u diyaar garoobaan difaaca dalkooda hooyo.

Xasan Sheikh Maxamuud wuxuu sheegay dariiqa nabadda in ay u baahan tahay isu dheeli tirnaan dublamaasiyadeed, midnimo qaran, iyo go’aan adag oo ku wajahan qaranimada Soomaaliya.

Hadalkaan ayaa qeyb ka ahaa khudbad uu madaxweynuhu ka jeediyay masjid kuyaala madaxtooyada Soomaaliya salaaddii jimce kadib.

Hadalka madaxweynaha ayaa yimid, iyadoo Somaliland ay sheegtay in muddo labo bilood gudaheed ah lagu dhameystirayo heshiiska badda ee ay la gashay dowladda Itoobiya.