7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 27, 2024
Maamulka Galmudug oo war kasoo saaray dagaal beeleed Maanta ka dhacay gobolka Mudug
 

Khamiis, Juun, 27, 2024 (HOL) - Warsaxafadeed kasoo baxaya maamulka Galmudug ayaa loogu baaqay in si sharuud la'aan ah ku joojiyaan dagaalka beelaha ku dagaalamaya galbeedka gobolka Mudug.

Galmudug ayaa sidoo kale warsaxafadeedka ku sheegtay in dhankeeda ay u dirtay goobaha lagu dagaalamayo guddi ka kooban Wasiiro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka shaqeynaya nabadeynta colaada u dhaxeysa beelaha walaalaha ah ee dirirtu u dhaxeyso.

"Waxaan ka codsaneynaa in loo hoggaansamo guddiyada ay Galmudug iyo Puntland u xilsaareen xabbad joojinta iyo nabadeynta, sidoo kalana lagu tixgaliyo shaqadooda ciidammada ay isla garteen masuuliyiinta labada State in la geeyo goobaha dagaalku ka dhacday" ayaa lagu yiri warsaxafadeed kasoo baxay baxay Madaxtooyada Galmudug.

Warsaxafadeedkaan kasoo baxay Madaxtooyada maamulka Galmudug ayaa kusoo aadaya, iyadoo saakay uu dib uga qarxay nawaaxiga degmada Galdogob ee gobolka Mudug dagaal beeleed u dhaxeeya laba maleeshiyo oo kasoo kala jeeda beelaha Sacad iyo Leelakase.

Deegaanada maamulka Galmudug waxaa marar badan kusoo laab laabtay dagaal beeleedyo iyo dilal naxdin leh oo salka ku haaya aanooyin qabiil, kuwaas oo dhexmara qaar ka mid ah beelaha wada dega deegaanada maamulkaas.