7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 27, 2024
Farmaajo oo ka hadlay dagaal beeleed Maanta dib uga qarxay gobolka Mudug
 

Khamiis, Juun, 27, 2024 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warsaxafadeed uu soo saaray maanta kaga hadlay dagaal beeleed dib uga qarxay deegaano ka tirsan gobolka Mudug.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay maleeshiyo beeleedka walaalaha ah ee ku dagaalamaya nawaaxiga degmada Galdogob ee gobolka Mudug iney joojiyaan dagaalka u dhaxeeya ee sababay dhimashada iyo dhaawac labada dhinac kala gaaray.

"Dadka wada dhashay ee isku diinta, dhaqanka iyo ehelka ah ee ku dagaalamaya Galbeedka Gobolka Mudug waxaan u soo jeedinayaa in ay joojiyaan dagaalka sokeeye iyo daadinta dhiggooda, kana fakeraan aakhiradooda iyo adduunkoodaba. Dagaal sokeeye waa ka soo daaleen dadkeennu, mana jirto cid guul iyo natiijo wanaagsan ka keentay, sidaas awgeed, jidka idiin furan waa in aad gacmaha isqabsataan, wadahadal iyo walaalnimana ku dhammeysataan wixii khilaaf ah" ayuu yiri Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wuxuu sidoo kale Farmaajo ku baaqay in dowladda Fedaraalka iyo madaxda maamulada Galmudug iyo Puntland iney si wadajir ah uga shaqeeyaan dhameynta dagaal beeleedka maanta dib uga soo cusboonaaday gobolka Mudug.

"Dowladda Federaalka, Galmudug iyo Puntland waxaan ku adkaynayaa in ay si dhow uga wada shaqeeyaan nabadaynta iyo joojinta colaadda deegannadan. Culumada, odayaasha dhaqanka, iyo waxgaradka waxaan ugu baqaayaa in ay door firfircoon ka qaataan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta, dhexdana ay u xirtaan sidii ay xisadda u dejin lahaayeen" ayuu yiri Farmaajo.

Ugu dambeyntii baaqaan kasoo yeeray madaxweynahii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kusoo aadaya, iyadoo saakay uu dib u qarxay dagaal beeleed aanan la ogeyn wali khasaraaha ka dhashay, hayeeshee 5 maalin ka hor geystay khasaaraha in ka badan 10 ruux oo labada dhinac ah iyo dhaawaca dhowr iyo laabatan kale.