7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 27, 2024
Puntland oo baaq nabadeed kasoo saartay dagaalka galbeedka gobolka Mudug
 

Khamiis, Juun, 27, 2024 (HOL) - Maamulka Puntland ayaa baaq nabadeed kasoo saaray colaadda ka taagan galbeedka gobolka Mudug, halkaas oo ay maanta ku dagaalamayaan maleyshiyaad kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug, kuwaas oo isku haysta dhul daaqsimeed.

Madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha madaxweynaha Puntland, Ilyaas Cilmi Lugatoor ayaa ku baaqay in la joojiyo colaadda iyo xabbadda ka socota galbeedka gobolka Mudug.

Madaxweyne ku xigeenka wuxuu sheegay inay direen wafdi ka socday golayaasha maamulkooda, si Puntland iyo Galmudug uga wada shaqeeyaan xakamaynta colaadda ka taagan Mudug.

Hadalka madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa imaanaya, iyadoo in ka badan 10 qof ay ku geeriyoodeen, kuwa ka badanna ay ku dhaawacmeen dagaalka maanta ka socda degaano hoos yimaada degmada Galdogob ee gobolka Mudug.