7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 24, 2024
Wasiir Kaahin: Kulmiye xoog kursiga kuma haysan karo, xoogna lagaga qaadi maayo

Isniin,  Juun, 24, 2024 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed ahna Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland, ayaa sheegay in anay jirin cid kursiga xoog ku haysan karta, ama cid xoog ku fuuli karta.

Kaahin oo goob fagaare ah kala hadlayay qaar kamid ah taageerayaasha xisbiga, ayaa sheegay in ka xisbi ahaan ay kursiga wareejin doonaan hadii laga helo doorashada 13 November.

"Hadii laynaga helo doorashada si sharafleh ayaynu ku qaadanaynaa, saxiibaday waxan leeyahay Kulmiye xoog kursiga ku fadhiisan kari maayo, xoogna kusii haysan kari maayo, nin aanu isleenahay xoog ayuu Kulmiye kaga qaadayaana ma jiro" ayuu yidhi Kaahin.

Waxa uu sheegay in xisbiga Kulmiye uu aqbalay natiijada doorashada kadib markii uu xisbigii UDUB kaga guulaystay 82 cod oo kali ah doorashadii 2003, waxa uu xusay in ay aqbalaadooda u sabab ahayd Axmed Siilaanyo oo ahaa hoggaamiye go'aan leh oo qaadan kara jawaabta qadhaadh.

Waxa uu warwar ka muujiyay in xisbiga Waddani laga waayi karo hoggaamiye qaata go'aanka doorashada hadii laga guulaysto, Waddani ayaa aqbalay natiijadii doorashadii 2017 inkasta oo uu shaki ka muujiyay.

Kaahin ayaa ugu danbayn ku taliyay in la galo ollole ka madhaqan curfi oo jawi walaalnimo ah ku dhaca, inkasta oo laftiisa lagu eedeeyo in uu mararka qaar ku olloleeyo hadalo kala fogayn abuuraya.