7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 24, 2024
Gaari dad shacab ah la socdeen oo miino kula qaraxday gobolka Shabeellaha Dhexe
  

Isniin, Juun, 24, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo wadada dhinaceeda la dhigay oo la qarxay gaari ay saarnayeen dad shacab ah, kaasoo ka dhacay deegaanka Golaley oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qaraxaan miino ee haleelay gaariga dadka shacabka ah la socdeen ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyoday ilaa 5 ruux, waxaana ku dhaawacmay 8 ruuux oo kale sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa la tilmaamay iney kusii jeedeen magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale lasoo wariyay in xiliga qaraxaan miino uu qabsaday gaarigaan  waqti kooban ka hor in wadadaasi ay mareen ciidamo ka tirsan kuwa ATMIS.

"Dadka dhintay dhamaantood waxay ahayeen dad shacab ah oo ka yimid beero una socday Muqdisho 5 waa dhimatay sideedna waa dhaawac, nimankan khawarijta ah hada shacab iyo dowlad uma kala soocna oo waxay bilaabeen in dadka shacabka ah ay beegsadan markii ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ay u bacbac dhigi waayeen" ayuu yiri gudoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur.

Ma ahan markii ugu horeysay oo qarax miino oo la dhigay wadada hareeraheeda inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar ay waxyeelo ka soo gaarto dad shacab ah, waxaana tiro dhowr jeer ah wadadaasi miino kula qaraxday gawaari dad shacab ah saaran yihiin iyo waliba kuwa kale oo ay la socdeen masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo ATMIS.