Hiiraan Online
11/23/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, Jun 24, 2024
Puntland iyo Galmudug oo sheegay in awood ciidan loo adeegsandoono joojinta dagaal beeleed ka socda bariga gobolka Mudug
Isniin, Juun, 24, 2024 (HOL) - Ku dhawaad 10 qof ayaa ku geeriyooday, halka 15 kalena ay ku dhaawacmeen dagaal labo maleyshiyo beeleed ku dhexmaray degaanka Labi Maygaag oo dhaca bariga gobolka Mudug.
Labada maleyshiyo beeleed ee dagaalamaya ayaa kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug, wuxuuna dagaalku salka ku hayaa muran deegaanka ah iyo aanooyin qabiil oo isbiirsaday.
Waxaa socda dadaalo ku aaddan sidii loo damin lahaa colaadda labada beel, taasoo galaafatay nolasha dad u badan dhinacyada dagaalamaya.
Guddoomiyayayaasha gobolka Mudug ee labada maamul, ayaa sheegay in awood ciidan loo adeegsandoono joojinta colaadda labada dhinac.
Waxay sheegeen in si degdeg ah ciidamo isku dhaf ah loogu diridoono halka ay colaaddu ka socoto.
Dagaalkii shalay oo saacado badan socday ayaa si iskiis ah u qaboobay, waxaana laga cabsi qabaa inuu maanta mar kale dib u bilowdo, iyadoo labada maleyshiyo beeleed ay wadaan abaabul ciidan.