7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 20, 2024
Xildhibaan Fowsiya oo si cad u sheegtay iney ka tanaasuleyn kursiga Guddoomiyaha Midowga Afrika
 

Khamiis, Juun, 20, 2024 (HOL) - Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo maanta shir jaraa'id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday ineysan ka tanaasuleyn musharaxnimadeeda kursiga Guddoomiyaha Midowga Afrika oo doorashadiisa la qaban doono sanadka soo socda ee 2025.

Waxay sheegtay in madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada qaar iney ka dalbadeen in ay isaga harto tartanka kursigaas sababo la xariira codsi ka yimid madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo kursigaan u sharaxaya wasiirka arrimaha dibadda dalka Jabuuti.

“Madaxda dowladda iyo kuwa afar dowlad goboleed ayaa si cad igu sheegay inan ka tanaasulo musharaxnimada kursiga, waxaan isku dayay inaan ku qanciyo muhiimada kursiga lakiin way surtagali weysay oo odayaasha waxay isku raaceen in kursiga an ugu tanasulo Jabuuti oo u sharaxan, ma yeeli karo in mas’uuliyadaas dhabarka u rito oo aan tanaasulo, maadaama tanaasulkaas, taariikh madow ku xardhan yahay” ayay tiri Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale sheegtay in musharaxnimada kursigaan markii horeba ay ku dhiiragaliyeen madaxda qaranka, islamarkaana haatan ay heysato codad ay ku kalsoon tahay iney kursigaas ku hanan karto.

Fowsiya Xaaji Yuusuf ayaa hadalkeeda ku dartay in sidan oo kale Madaxweyne Xasan Sheekh sanadkii 2016-kii uga reebay kursiga doorashadan ay u sharaxneyd, waxayna xustay in xilligaasi Madaxweynaha uga reebay kaliya in Kenya u sharaxneyd kursigaas ka dalbatay inan u tanaasulno.

”Tiro labo jeer ayaa la iidiidan yahay la igana reebayaa kursiga guddoomiyaha Midowga Afrika tartankiisa, waxana garan la ahay sababta la ii takoorayo , ma haweenimadaa mise waa sababo kale oo qarsoon, mansabkaas labo mar ayaa la iga hor istaagay, waa la tartamayaa haddii dowladaha ku heshiiyaan in looga horo midka ugu horreeya, balse lama arag qof in tartan aan wali la gelin dowlad kale darteed loga reebo” ayey tiri Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan.

Ugu dambeyntii dhowr bilood ka hor ayay aheyd markii dowladda madaxweyne Xasan Sheekh sidaan oo kale ay uga hortimid inay taageerto Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo isku soo sharaxday madaxweynaha Baarlamaanka adduunka, waxaana dowladdu sheegtay iney Tanzania uga beddelatay ka harista kursigaas taageerada xubinnimada Ururka bulshada Bariga Afrika.