7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 20, 2024
Puntland oo sheegtay in aysan jirin khatar xilligan kagasoo wajahan kooxda Daacish
 

Khamiis, Juun, 20, 2024 (HOL) - Dowlad goboleedka Puntland ayaa meesha ka saaray khatarta ku saabsan in deeganadeeda ay kusii badanayaan kororka joogitaanka kooxda Daacish.

Saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga Puntland oo la hadlay warbaahinta HOL ayaa u sheegay, in aysan jirin khatar amni oo xilligan Puntland kagasoo wajahan Daacish, inkastoo ay sheegeen in Daacish ay ku sugan yihiin qeybo kamid ah gobolka Bari.

Saraakiishan ayaa ka gaabsaday inay xaqiijiyaan warka ku saabsan in hoggaamiyaha ugu sarreeya Daacish uu ku sugan yahay gobolka Bari ee Puntland, sida lagasoo xigtay saraakiil Maraykan ah.

Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay in hoggaamiyaha Daacish uu gabbaad usoo raad saday gudaha Puntland, si uu uga baxsado bartilmaameedka dowladda Maraykanka.

Hadalka saraakiisha amniga Puntland ayaa imaanaya, iyadoo qaar kamid ah ganacsiyada magaalada Boosaaso ay u xiran yihiin amar kasoo baxay kooxda Daacish, kuwaas oo ka doonaya inay bixiyaan lacago ay ugu yeereen canshuur ama Sako.

Daacish ayaa horey u gubtay xarumo ganacsi oo kuyaala magaalada Bosaso. Maamulka Puntland weli kuma guulaysan inuu wax ka qabto arrimahan.