7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 20, 2024
Horjooge ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Hoose
 

Khamiis, Juun, 20, 2024 (HOL) - Ciidamada Kumaandooska Gorgor ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka sameyeen deegaanka Shaam garre oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay horjooge ka tirsana kooxda Al-shabaab.

Horjoogahaan ayaa la sheegay in ciidamada ay ugu galeen gurigiisa oo ku yaala deegaanka Shaam garre, islamarkaana ay halkaasi ku dileen, sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay Taliyaha Ururka 1-aad ee ciidamada Gorgor Cabdisalaan Jaamac Xasan.

Horjoogahaan howlgalka qorsheysan ku dileen ciidanka Gorgor ayaa magaciisa lagu sheegay  Sakariye Cabduqaadir Shabeelow oo loo yaqiinay Sakariye Moosow, kaasoo xilal kala duwan kasoo qabtay kooxda.

"Ninkan ay dileen ciidanka wuxuu horay u soo noqday madaxii miinooyinka Al-shabaab ee deegaanada Bariire iyo Owdheegle, hadana wuxuu kooxda Al,shabaab u qaabilsanaa dhinaca jaajuusnimada. Wuxuuna ahaa nin shar badan oo dhibaato xoog leh ku hayay shacabka deegaankaas, horay wuxu u gubay gaadiid iyo mootoouin dad rahid ah lahayeen" ayuu yiri Taliyaha ururka 1-aad ee ciidamada Gorgor Cabdisalaan Jaamac Xasan.

Ugu dambeyntii taliye Cabdisalaan ayaa sheegay in howlgalada qorsheysan ee noocaan oo kale ah ay sii wadayaan ciidanka Gorgor inta laga ciribtiraayo kooxda Al-shabaab.