7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 18, 2024
Puntland oo gacanta ku dhigtay taliyihii burcad badeeddii madax furashada ka qaatay markabkii MV Abdalla

Talaado, Juun, 18, 2024 (HOL) - Ciidanka booliska Puntland ee Gobolka Mudug oo magalada Galkacyo ka sameeyay howlgal ku saabsanaa la dagaalanka burcadbadeeda, ayaa gacanta Kusoo dhigay taliyihii hogaaminayay kooxdii burcad badeedda ee $5 Milan ee madax furashada ah ka qaatay Markabkii MV Abdalla.

Howlgalkan oo ay ciidanka ka fuliyeen xaafada siinaay ee ee waqooyiga magalada Galkacyo, ayaa lagu soo qabtay Abshir Abdi kheyre Jowfe oo 38 jir, kaasoo ahaa taliyihii markabka MV Abddalla.

Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Mudug G/Sare Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf ayaa fariin adag u diray cid kasta oo ku lug leh falalka burcadnimada, isagoo hoosta ka xariiqay iney sharciga hor keeni doonaan kooxaha ku howlan  falalka burcadnimada ah.

Waa eedeysanihii saddexaad oo loosoo qabto ku lug lahaanshaha weerarkii burcad badeeddu ku qaaday markabka MV Abdallah, kuwaas oo ka qaatay lacag madax furasho ah oo dhan shan milyan oo dollar.

Kooxaha burcad badeedda ayaa markii ay qaateen madax furashada waxay ku kula dhuunteen magaalooyinka Puntland. Qaar kamid ah ayaa la sheegayaa inay ku sugan yihiin xeebaha, halkaas oo ay sidoo kale ka abaabulayaan weerraro kale oo lagu qaado maraakiibta ganacsiga.