7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 18, 2024
Kumaandooska Gorgor iyo Ilaalo Qaran oo howlgal ka dhan ah Al-shabaab ka sameeyay gobolka Hiiraan
 

Talaado, Juun, 18, 2024 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa howlgal sifeyn ah oo ka dhan ah Al-shabaab ka sameeyay deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan.

Howlgalkaan sifeynta ah ayaa ciidamadu ka fuliyeen qaar ka mid ah deegaanada hoostaga Buula burte saacadahii lasoo dhaafay, waxaana iska kaashaday howlgalkaas ciidanka kumaandooska Gorgor iyo kuwa loo yaqaano Ilaalo Qaran ee ka howlgalada gobolka Hiiraan.

War kooban oo kasoo baxay Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in u jeedka howlgalkaan uu ahaa mid lagu xaqiijinaayay amniga degmada Buula burte iyo deegaanada hoostaga, gaar ahaan kuwa dhaca jiinka wabiga Shabeelle.

Deegaanada sida gaarka ah ciidamadu howlgalka uga sameyeen waxaa kamid ah Biyo madoobe, Aarlees, Qurac jiif iyo kuwa kale oo ku yaala jiinka wabiga oo mararka qaar kooxda Al-shabaab kasoo abaabuli jirtay weerarada.

Howlgaladaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo habeen hore ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa saaxiibada Caalamka duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacday Galgaduud ay ku dileen 28 xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab, islamarkaana sidoo kale duqeynta lagu gubay gaadiid dagaal iyo kuwa xamuulka qaado oo kooxdu laheyd.