7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 18, 2024
Dowladda Fedaraalka oo Muqdisho ka mamnuucday Gaadiidka aan la heyn Taargada
 

Talaado, Juun, 18, 2024 (HOL) - Taliska ciidanka Booliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa soo saaray amar looga mamnuucayo wadooyinka guud magaalada Muqdisho gaadiidka aan laheyn sumada aqoonsiga ama Taargada.

War qoraal ah oo kasoo taliska Booliiska ayaa lagu sheegay in maanta wixii ka dambeeya wadooyinka gudaha magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda inaan la ogolaan doonin iney isticmaalaan gaadiid aan laheyn Taarigada.

"Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu ogaysiinayaan shacabka ku nool caasimadda iyo hareeraheeda laga bilaabo maanta oo ay taariikhada tahay 18-06-2024 aan la ogaleyn gaadiid bilaa taariko ah oo maraya wadooyiinka caasimadda” ayaa lagu yiri qoraalka Taliska qeybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir.

Wargelintaan kasoo baxday Booliiska ayaa kusoo aadeysa, iyadoo inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho lagu arko gaadiid aanan laheyn wax Taargo ah, waxaana la sheegaa in gaadiidkaasi Taargo la'aanta ah iney badan koodu wataan askar ku labisan dharka ciidanka, Saraakiil iyo xubno kale oo wata aqoonsiyo ah iney ka tirsan yihiin dowladda.

Ugu dambeyntii Muqdisho waxaa horay uga dhaqan galay  go’aano ka adag kan haatan ka soo baxay Taliska qeybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir, waxaana la filaya inuu dhaqan gali doono go'aankan, maadaama ay horay u dhaqan galeen amaro ay ka mid ahayeen in la baaro dhamaan gaadiidka iyo in la joojiyo hubkii culusaa ee wadooyinka Caasimadda lagu dhex qaadan jiray.