7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 14, 2024
Madaxweyne Biixi: Waxaanu u halgamaynaa madaxbannaanidayada
 

Jimco, Juun, 14, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Somaliland ay halgan ugu jirto madaxbannaanideeda, isaga oo sheegay in Itoobiya ay noqon doonto dalkii ugu horeeya ee aqoonsada.

Madaxweynaha oo waraysi siiyay The Economist, ayaa sheegay in Somaliland anay ahayn dal dalkale ka go'ay balse ay tahay qaran madaxbannaan oo dib ula soo noqday madaxbannaanidiisa.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Itoobiya ay noqon doonto dalkii ugu horeeyay ee rumeeya riyada aqoonsi raadinta Somaliland, isaga oo sheegay in taa badalkeeda ay Itoobiya ka kirayn doonaan 20 KM oo ay ka dhisato saldhig badeed.

"Waxaanu halgan ugu jirnaa madaxbannaanidayada sida waddan kasta oo kale oo qaarada ahba uu sameeyay" ayuu Madaxweyne Biixi u sheegay The Economist.

Madaxweynaha oo ka hadlay halgankii hubaysnaa ee SNM, ayaa sheegay in u jeedadiisu ay ahayd in Somaliland ay dib saxdo qalad ay ku gashay midnimadii ay la gashay Soomaaliya 1960.

Somaliland ayaa aqoonsi raadinaysay tan iyo sannadkii 1991 oo ay ku dhawaaqday in ay ka noqotay midnimadii lagu dhisay Jamhuuriyadii Soomaalida, walina umay suuragalin riyadeeda ah in ay noqoto dal sharci ahaan madaxbannaan.