7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 14, 2024
Madaxweynaha Soomaaliya Talisyo cusub ku kordhiyay ciidanka xoogga dalka
 

Jimco, Juun, 14, 2024 (HOL) - Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu magacaabay hogaanada talisyo cusub oo ka mid noqonaya ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Magacaabista talisyadaan ciidan ayaa la sheegay iney ku timid soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur.

Talisyada cusub ee lagu kordhiyay ciidanka xoogga dalka oo ka kooban afar talis ayaa kala ah Taliska ciidanka gaarka ah ee xoogga dalka, Taliska Tababarada ciidanka xoogga, Taliska Sahanka iyo Wardoonka ciidanka xoogga iyo Taliska Taakulada guud ee ciidanka xoogga dalka.

Taliyaasha loo kala magacaabay afarta talis ciidan ee cusub ayaa kala ah Sareeyo guuto Axmed Cadullaahi Sheekh oo loo magacaabay Taliyaha taliska ciidanka gaarka ah, Gaashaanle Sare Axmed Ciise Axmed ayaa loo magacabay Taliyaha taliska Tababaradda, halka Gaashaanle Dhexe Axmed Cabdulaahi Nuur Beeryare loo magacabay Taliyaha taliska Sahanka iyo Wardoonka iyo Gaashaanle Dhexe Ibraahim Maxamed Maxamuud oo loo magacaabay Taliska Taakulada guud ee ciidanka xoogga.

Hogaanada Talisyadaan cusub ee uu magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la faray iney xoojiyaan dagaalka dalka looga xoreynayo kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka.