7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 14, 2024
Kooxda Al-shabaab oo weerar hoobiyaal ah ku qaaday Saldhiga ciidanka Itoobiya ee degmada Xudur
 

Jimco, Juun, 14, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hoobiyaal ah oo Xalay saqdii dhexe kooxda Al-shabaab ay ku qaaday Saldhig ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Ku dhawaad 10 hoobiye ayaa la sheegay in kooxdu ay ku garaacday saldhiga ciidamada Itoobiya ee degmada Xudur, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka ku nool magaalada Xudur oo la hadlay warbaahinta gudaha.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka madaafiicda ah oo ay kooxdu la beegsatay saldhiga ciidanka Itoobiya, waxaana la tilmaamay in ciidanka Itoobiya dhankooda ay weerarkaas uga jawab celiyeen madaafiic kale oo aan la ogeyn khasaraaha ay geysatay.

Weerarkaan ay kooxdu Xalay ku qaaday degmada Xudur ayaa qeyb ka noqonaya weerarada Al-shabaab ay ku qaado deegaanada iyo degmooyinka ay ku sugan yhiin ciidamada dowladda iyo kuwa nabad ilaaninta midowga Afrika ee ATMIS.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka taliska ciidanka Itoobiya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ee ku sugan magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.