7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 13, 2024
Amiirka dalka Qatar oo wadahal kula yeeshay khadka taleefanka Xasan Sheekh iyo Abiy Axned
 

Khamiis, Juun, 13, 2024 (HOL) - Wakaaladda wararka dalka Qatar QNA ayaa baahisay in Amiirka dalkaasi Qatar Amir Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani inuu kulamo gooni gooni ah uu khadka Talefanka kula yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal wasaaraha dalka Itoobiya  Abiy Axmed.

Wakaaladda wararka dalkaasi Qatar ma bixin faahfaahino la xariira waxa uu kala hadlay Amiirka dalka Qatar madaxda dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya oo mudooyinkii dambe xiriirka ka dhaxeeya uu ahaa mid aad u xun.

Diblomaasiyiin qariyay magacyadooda si aanan loo ogaan ayaa warbaahinta u sheegay in Amiirka Qatar uu kala hadlay Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed xiriirka iyo Iskaashiga Qatar kala dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wali si rasmi ah looma oga wadahalka uu la kala qaatay Amiirka dalka Qatar madaxda dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya inuu qeyb ka ahaa xalinta khilaafka ka dhaxeeya labadaasi dowladood oo salka ku haya heeshiiskii bishii Janaayo ee sanadkaan uu Raysal Wasaaraha Itoobiya kula saxiixday Addis Ababa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ee ahaa in Itoobiya ay hesho qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliya taas badalkeena ay Itoobiya u aqoonsaneyso Somaliland dowlad madax banaan.

Hayeeshee dowladda Soomaaliya ayaa heshiis kaas si weyn uga hortimid, waxaana ku taageeray Soomaaliya ururada caalamka iyo kuwa gobolka oo si isku mid uga wada horyimid damaca Itoobiya, iyagoona ku baaqay in la ilaaliyo madaxbanaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Wadahadaladan uu Amiirka Qatar la yeeshay Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed ayaa kusoo aadaya laba maalin kadib markii uu wasiirka Maaliyadda ee dalka Itobiya Axmed Shide iyo Taliyaha Sirdoonka dalkaas Ridwan Hussein ay gaarsiiyeen Amiirka Qatar fariin ay ka sideen Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.