7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 13, 2024
Kenya oo 30 sano oo xabsi ah ku ridday nin lagu eedeeyay inuu xiriir lalahaa Alshabaab iyo Daacish
 

Khamiis, Juun, 13, 2024 (HOL) - Maxkamad kutaala dalka Kenya ayaa ku xukuntay Jackton Jacob Kanoti oo loo yaqaan Abdul Hakim soddon sano oo xarig ah kadib markii lagu eedeeyay ku lug lahaanshaha ISIS iyo Alshabaab.

Ninkaan ayaa lagu qabtay degaanka Siaya isagoo watay agab iyo macluumaad la xiriira afkaarta xagjirnimada, sida muuqaalo ka sheekeynaya howlaha argagaxisada.

Dowladda Kenya ayaa guul weyn ku tilmaamtay qabashada iyo xukunka ninkaan, taasoo ay sheegtay inay qeyb ka tahay dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada.

Kenya waxay sheegtay inay isisoo tarayaan kooxaha argagixisada ee u isticmaalaya baraha bulshada si ay xagjir uga dhigaan, u qortaan, ula xiriiraan, lacag u ururiyaan una qorsheeyaan hawlaha argagixisada.

“Isticmaalayaasha baraha bulshada waxaa lagula talinayaa inay ku wargeliyaan dhaq-dhaqaaqyada argagixisanimada hay'adaha ammaanka iyo shirkadaha tignoolajiyada si ay u abuuraan goobo ammaan ah oo internetka ah,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay hay’adaha ammaanka ee Kenya.

Kenya waxay sheegtay in kooxaha argagixisadu ay hadda beegsanayaan gobollada aan dhaqan ahaan loo aqoon inay la kulmaan khataraha argagixisanimo sida Siaya, Kisii, Uasin Gishu, Nakuru iyo Kakamega.

Muddooyinkii la soo dhaafay, hay’adaha ammaanka Kenya waxay xoojiyeen hawlgallada ka socda xuduudaha, kuwaas oo horseeday in la soo qabto laguna maxkamadeeyo xubno badan oo katirsan Alshabaab.