7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 13, 2024
Faahfaahino kasoo baxaya weerar Al-shabaab ku qaaday deegaanka Buulo Xaaji
 

Khamiis, Juun, 13, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal Xalay ku dhexmaray deegaanka Buulo Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland oo dhinac ah iyo  kooxda Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Buulo Xaaji oo laba maalin ka hor lagala wareegay kooxda Al-shabaab.

Ilo ku sugan deegaankaas ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka uu ahaa mid aad u xoogan oo socday mudo kooban, islamarkaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Ma cadda ilaa hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka Xalay ka dhacay deegaanka Buula Xaaji, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka talisyada ciidanka xoogga iyo kuwa Jubbaland oo ku aadan khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Dagaalkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Shalay ay gaareen deegaankaas masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland oo uu horkacayay Madaxweyne ku xigeenka labaad ee maamulkaas Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, kuwaas oo ciidanka ku dhiiragalinaayay sii wadista howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.