7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 12, 2024
Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland oo kaabiga ku haaya degmada Badhaadhe
 

Arbaco, Juun, 12, 2024 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Fedaraalka iyo kuwa maamulka Jubbaland ay kaabiga ku hayaan degmada Badhaadhe.

Ciidamada iskaashanaya ayaa qorsheynaya sidii ay ula wareegi lahayeen gacan ku heynta degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose oo ay gacanta ku haysay mudooyinkii dambe Al-shabaab.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxda Al-shabaab ay saakay isaga guureen inta badan fariisimahii ay ku lahayeen gudaha degmadaas, kadib markii ay ka war heleen awooda ciidan ee ku wajahan gudaha magaalada Badhaadhe.

Maalin ka hor ayay aheyd markii ciidamadaan is garabsanaya ay kooxda Al-shabaab kala wareegeen gacan ku heynta deegaanka Buulo Xaaji, waxaana qabashada deegaankaasi ku bogaadiyay ciidamada Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Deegaanada maamulka Jubbaland ayaa ka mid meelaha ay wali ku xoogan yihiin Al-shabaab, waxaana haatan muuqaneysa in dowladda Fedaraalka iyo Jubbaland ay xooga saarayaan sidii kooxda uga xureyn lahayeen deegaanada iyo degmooyinka ay kaga sugan yihiin Jubbaland.