7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 12, 2024
49 qof oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan oo ku geeriyooday doon ku degtay xeebaha Yemen
 

Arbaco, Juun, 12, 2024 (HOL) - Dooni ay saarnaayeen 260 tahriibayaal ah oo isugu jiray Soomaali iyo Itoobiyaan ayaa ku degtay xeebaha dalka Yemen Isniintii, waxaana ku dhintay ugu yaraan 49 qof, halka 140 kalena waa la la'yahay, sida ay sheegtay hay'adda socdaalka caalamiga ah ee Qaramada Midoobay Salaasadii.

71 qof ayaa ka badbaaday doonida degtay, sida lagu sheegay war kasoo baxay hay’adda socdaalka caalamiga ah.

Lix carruur ah ayaa ka mid ah dadka la badbaadiyay, halka lix kale oo carruur ah iyo 31 haween ah ay ka mid yihiin dadka dhintay.

Doonta ayaa waxaa la socday 115 qof oo Soomaali ah iyo 145 Itoobiyaan ah, sida ay sheegtay IOM.

Sannad kasta tobanaan kun oo tahriibayaal ah oo ka yimid Geeska Afrika ayaa ka tallaaba badda cas si ay u gaadhaan gacanka qaniga ku ah saliidda, iyaga oo ka baxsanaya colaadaha, iyo dhaqaalaha xumada ka jirta dalalkooda.

IOM waxay sheegtay in ay diiwaan galisay 1,350 dhimasho ah oo ku dhintay dariiqa socdaalka badda tan iyo 2014, oo aan ku jirin sanadkan. Sannadkii 2023 oo keliya, waxay sheegtay inay diiwaangelisay ugu yaraan 698 dhimasho ah.