7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 12, 2024
Mareykanka oo beeniyay inuu duqeyn ku dilay laba dhaqtar oo Al-shabaab u afduubnaa
 

Arbaco, Juun, 12, 2024 (HOL) - Militariga Mareykanka ayaa is fogeeyay masuuliyada dil loo geystay laba dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba oo ku jiray gacanta kooxda Al-shabaab.

Kooxda Al-shabaab ayaa horay u shaacisay in labada dhaqtar ay ku dhinteen duqeymo uu Mareykanka ka geystay 15-kii bishii Febraayo ee sanadkaan 2024 deegaano hoostaga degmada Jilib.

Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in qiimeyn ay sameeyeen sadaxdii bilood ee ugu dambeysay oo la xariirta duqeyntii ay ka geysteen nawaaxiga Jilib ineysan ku dhiman dad rayid ah.

AFRICOM waxay sidoo kale iska fogeysay eedeymo la xariira in duqeymo ay geysteen  bilahii Janaayo 25-keedii iyo Febraayo 22-keedii ee sanadkan oo ka dhacay nawaaxiga magaalooyinka kala ah Galhareeri iyo Kurtunwaarey iney ku dhinteen dad rayid ah.

Ugu dambeyntii labada dhakhtar ee Militariga Mareykanka beeniyeen iney ka dambeeyaan dilkooda ayaa lagu kala magacaabi jiray Assel Herrera iyo Landy Rodriguez, kuwaas oo kooxda Al-shabaab ay kasoo afduubeen bishii April ee sanadkii 2019-kii Waqooyi Bari Kenya.