9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 30, 2024
Wasiirka waxbarashada DFS oo weydiistay xildhibaanada Puntland inay Siciid Deni ka keenaan xal ay kuwada shaqayn karaan
 

Talaado, Luulyo, 30, 2024 (HOL) - Wasiirka waxbarashada dowladda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheikh Cabdiqaadir, ayaa weydiistay xildhibaanada kasoo jeeda maamulka Puntland in ay u keenaan xal ay reer Puntland ku heli karaan qoondada dhinaca waxbarashada ee dowladda Federaalku ugu talo gashay.

Wasiirka waxbarashada ayaa hadalkaan ku sheegay kulan uu la qaatay Guddiga Horumarinta adeegga arrimaha Bulshada ee baarlamaanka Aqalka hoose. Wuxuu u sheegay in maamulka Puntland uu diiddan yahay wax kaste oo uga yimaada dowladda Federaalka, oo ay waxbarashada qeyb ka tahay, arrintaasoo uu wasiirku ku tilmaamay mid aan xal laga gaari karin inta Puntland sidaas aaminsan tahay.

“Arrintu haddii ay tahay,” war waxaanaa igu yar, iyo sidaanaa baahidaydu u badan tahay, waa arrin sideedaba xal leh. Laakiin, waxaanan xal lahayn,” waxba ina kama dhaxeeyaan, shir kula gali maayo, wadatashan mayno, anigaa system-kayga iska leh, wax dowladda Federaalka soo maraya ma doonayo. Taasi xal malahan,” ayuu yiri wasiir Faarax.

Wasiir Faarax waxa uu tilmaamay in tiro dhowr jeer uu Golaha Baarlamaaanka ka codsaday in xal loo raadiyo in ay Puntland ogolaato inay qaadato qoondada macalimiinta loogu talo galay dowlad goboleedyada.

Wuxuu sheegay arrimaha waxbarashada in aysan wax lug ah ku lahayn arrimaha siyaasadeed ee ay isku khilaafsan yihiin Dowladda Federaalka iyo Puntland. Waxa uu sheegay waxa kaliya ee ay doonayaan in ay tahay, in waxbarashada Puntland ay lamid noqoto  waxbarashada kale ee dalka.

Xildhibaanada la kulmay wasiirka waxbarashada ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in dowladda Federaalku arrimo siyaasadeed u xayirtay mashaariicda waxbarashada ee Puntland ay xaqa u leedahay oo gaaraya $16 million.