9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 30, 2024
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo wadahadal ku yeeshay khadka Taleefanka
 

Talaado, Luulyo, 30, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhigiisa dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Xalay wadahadal ku yeeshay khadka taleefanka oo ay kaga wadahadleen arrimo dhowr ah.

Labada madaxweyne ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta cilaaqaadka ka dhaxeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Turkiga oo 10-kii sano ee lasoo dhaafay uu ahaa mid marba marka ka dambeysa sii siyaadayay.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa dhigiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u xaqiijiyay in dowladda Turkiga ay ka go’an tahay garab istaaga madaxbanaanida, gobnimada iyo Midnimada dhuleed ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Erdogan ayaa sidoo kale taageero xooggan u balan qaaday howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka oo ay qeybta ka yihiin ciidanka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda.

Wadahadalkaan khadka taleefanka ku dhexmaray madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kusoo aadaya, iyadoo Baarlamaanka dalka Turkiga dhawaan ay meel mariyeen qorshe Soomaaliya loogu soo dirayo ciidamo ka socda Turkiga oo qeyb ka ah fulinta heshiiskii difaaca iyo iskaashiga dhaqaalaha ee dhawaan wada gaareen Soomaaliya iyo Turkiga.