9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 30, 2024
Hay’adaha Ammaanka Kenya oo fashiliyay weerar Alshabaab ah ay ku qaadi lahaayeen deegaan katirsan Garissa

Talaado, Luulyo, 30, 2024 (HOL) - Hay’adaha ammaanka dalka Kenya ayaa fashiliyay weerar qorsheysan oo Al Shabaab ay ka fulin lahaayeen deegaanka Alango, oo ku teedsan waddada Gaarisa iyo Dhadhaab ee ismaamulka Garissa.

Kooxda Alshabaab oo isku diyaarinayay inay weerarka qaadaan ayaa waxaa xogtooda helay hay’adaha sirdoonka Kenya. Si kastaba ha ahaatee, ciidamada ammaanka Kenya ayaa fashiliyay qorshahooda, waxaana isla goobta lagu dilay labo ka mid ah xubnaha Al Shabaab, halka kuwa kalena ay baxsadeen iyagoo dhaawac ah.

Hubka laga soo saaray goobta ay weerarka ku qorshaynayeen waxaa ka mid ahaa labo qori oo AK47 ah, sidoo kale 7-majalado, agabka walxaha qarxa iyo agab kale oo kala duwan.

Hay’adaha ammaanka Kenya ayaa la sheegay ku raad joogaan Shabaabka baxsadka ah. Dhanka kale, waxaa dadweynaha lagu dhiirigeliyay inay laamaha amniga la wadaagaan xogta dadka la tuhunsan yahay in ay weerarkaas qorshaynayay.