9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 27, 2024
Raysal wasaare Xamse oo magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya Golahiisa Wasiiradda
 

Sabti, Luulyo, 27, 2024 (HOL) - Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya Golahiisa Wasiirrada ee Xukuumadda Soomaaliya.

Xubanaha cusub ee uu magacaabay Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ka kooban afar ruux oo dhamaantood ah Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

"Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gudanaya waajibka Dastuuriga ah ee ku xusan qoddobada 97, 98 iyo 100aad ee dastuurkaga KMG ah, isla markaana uu tixgeliyay talada Madaxweynaha JSF, uuna garawsaday hawlaha baaxadda leh ee horyaalla Xukuumadda, waxa uu magacaabay xubnaha wasiirrada hoos ku xusan" ayaa lagu yiri qoraal kasso baxay Xafiiska Raysal Wasaare Xamse.

Xubnaha la magacaabay waxaa ka mid ah Xildhibaan Bashiir Maxamed Jaamac, Bashiir Goobbe oo loo magacaabay, Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, halka Xildhibaan Cumar Cali Cabdi loo magacaabay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd ayaa isna loo magacaabay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta, halka Maxamuud Cabdiqaadir Xaaji Jeego isna loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dhalinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya.