Hiiraan Online
12/23/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Sabti, July 27, 2024
Madaxweynaha Hirshabeelle oo loo diiday inuu tago degmada Maxaas
Sabti, Luulyo, 27, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi ilaa Xalay ay ka taagan tahay xiisad culus oo u dhaxeeysa maamulka degmada Maxaas iyo ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda.
Xiisada ayaa timid kadib markii ciidanka deegaanka ee Macawiisleeyda ay diideen in Maxaas uu tago madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo doonayay inuu tago degmadaas.
Ilo ku sugan degmada Maxaas ayaa inoo sheegay in saakay wali ay kacsan tahay xaalada magaalada Maxaas, maadama ay ku wada sugan yihiin gudaha magaaladaas ciidamo diidan in Guudlaawe tago Maxaas iyo kuwa doonayo iney kusoo dhaweeyaan.
Diidmada Maxaas ee Guudlaawe ayaa kusoo aadeysa, iyadoo Shalay lagu soo dhaweeyay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, xili maalmahii lasoo dhaafay uu safaro ku marayay madaxweyne Guudlaawe deegaano iyo degmooyin ka tirsan Shabeellaha Dhexe, islamarkaana sidaas oo kale qorsheynaayay inuu safaro ku maro gobolka Hiiraan.
Lasoco wixii kusoo kordha wararkan.