9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 27, 2024
Guddida Joogta ah ee Golaha Wakiilada Somaliland oo war kasoo saaray dacwada ka dhanka ah Xildhibaan Maxamed Abiib

Sabti, Luulyo, 27, 2024 (HOL) - Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa sharci daro ku tilmaamay dacwada xilka xayuubinta ah ee ka dhanka ah Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf.

Golaha ayaa saaka iskugu yimid in uu codka u qaado dacwada xilka-xayuubinta ah ee lagu soo oogay Xildhibaan Abiib, lakiin waxa buuxsamiwaayay kooramka oo looga baahnaa in ay fadhiyaan 55 xildhibaan, waxaana soo xaadiray 49 xildhibaan.

Xildhibaanada golaha ee warbaahinta la hadlay ayaa dhamaantood kasoo horjeeday dacwada lagu soo oogay Abiib, dhinaca kalena guddoomiyaha guddida joogtada ah ayaa sheegay in ay dacwada u aqoonsadeen mid sharci daro ah.

"Mudanuhu faldambiyeed kuma gali karo, lugumana eedaynkaro hadii uu ka hadlo xil gudashada dowlada, hadaba guddidu waxay mudanayaasha u xaqiijinaysa in soojeedinta xil ka xayuubinta ee Xildhibaan Maxamed Abiib anay ahayn mid sharci ah".

Guddoomiye Faratoon ayaa xidhay kalfadhiga maanta kadib markii uu kooramku buuxsamiwaayay, Guddoomiye Ku Xigeen Cali Xaamud Jibriil ayaa dhawaan sheegay in ay laalayaan dacwada.