7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 26, 2024
Madaxweynaha Jubbaland oo dardar galinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab u tagay Afmadoow
 

Jimco, Luulyo, 26, 2024 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe ayaa maanta gaaray degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo uu u tagay dardar galinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Axmed Madoobe ayaa gudaha magaalada Afmadoow kulan gaar ah kula qaatay saraakiisha hogaaminaysa ciidanka iyo xubno isugu jira qrybaha kala duwan ee bulashada ku nool Afmadoow oo uu kala hadlay xoojinta howlgalada Al-shabaab looga xureynayo Jubbaland.

Tagista madaxweynaha Jubbaland uu maanta tagay Afmadoow ayaa kusoo aadeysa, iyadoo ciidamada iskaashanaya ee xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ay maalmo kooban ka hor ay isku fureen wadada isku xirta magaalooyinka Kismaayo iyo Afmadoow.

Todobaadkii tagay ayay aheyd markii ciidanada dowladda Fedaraalka iyo kuwa Jubbaland ay guulo waa weyn ka gaareen weeraro kooxda Al-shabaab ku qaaday deegaanada Buulo Xaaji iyo Harboole ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana Jubbaland ay sheegtay in weeraradaasi Shabaab looga dilay in ka badan 135 xubnood.

Ugu dambeyntii gobolka Jubada Hoose waxaa ka socda howlgalo Xoogan oo lagu doonayo in guud ahaan deegaanadaas looga ciribtiro Al-shabaab.