7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 26, 2024
Shabeellaha Dhexe : Cudurka Gowracatada oo ka dilaacay iyo dad u geeriyooday
 

Jimco, Luulyo, 26, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in deegaano ka tirsan gobolkaas uu la dilaacay cudur magaciisa lagu sheegay Gowracato.

Cudurkaan Gowracatada ayaa lasoo wariyay iney u geeriyoodeen laba ruux, islamarkaana ay haatan la ildaran yihiin in ka badan 20 ruux oo kale, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

"Cudurkaan Calaamadaha lagu garan karo waxa ka mid ah in uu dhuunta xiro qofka oo wax ka dadagi wayaan, qandho, iyo tababar daro siyado ah oo qofka la kici waayo, hada Soomaaliya oo dhan Shabellaha dhexe ayaa laga soo sheegay Wasaaradda Caafimaadka waxay wadaa dadaalo looga hortagayo cudurkan" ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Maxamed Xasan Maxamed.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Maxamed Xasan Maxamed ayaa sidoo kale sheegay in cudurkaan uu yahay mid faafo, islamarkaana loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ka taxadaraan faafistiisa.