7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 26, 2024
Somaliland oo ka hadashay waxa laga yeelayo maxaabiistii lagu kala qabsaday dagaalkii Laascaanood
 

Jimco, Luulyo, 26, 2024 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in dhinacyadu ay ka wadahadlaan maxaabiistii lagu kala qabsaday dagaalkii Laascaanood.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo waraysi siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in xukuumadiisu ay diyaar u tahay in wadaxaajood laga galo arrinta maxaabiiista.

"Dowlada Somaliland maxaabiistaa meel fiican ayay ka taagantahay, markastana waxay diyaar u tahay si nabadgalyo ah oo aan shuruudo lahayn, in arrinta maxaabiistaa dhinacyadu uga wadahadlaan" ayuu yidhi Kaahin.

Waxa uu sheegay in wadahadalka dhinacyada ay wax ka bilaabanyihiin lakiin ay wali qabyo badani ku jirto, isla markaana sidaas darteena aan la sheegi karin wakhti rasmi ah oo xal laga gaadhi karo arrinta maxaabiista.

Somaliland iyo SSC Khaatumo ayaa maxaabiis ku kala qabsaday dagaalkii mudada ka socday magaalada Laascaanood, maxaabiistaas oo aan wali dhinacyadu ka heshiin sida loola kala wareegayo.