Arbaco, December, 4, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shir guddoomiyey kulan deg deg ahaa oo looga hadlayay la dagaallanka maalgelinta argagixisada.
Kulankaan deg dega ahaa waxaa ka qayb galay Guddiga Qaran ee NAMLC, hay’adaha amniga iyo kuwa kale ee muhiimka u ah dowladda, waxaana la tilmaamay inuu daba socdo guulihii hore ee dowladdu ka gaartay la dagaalanka maalgalinta aragagixisada.
"Shirkan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta dadaalada lagu wiiqayo maalgalinta argagixisada waxaana kasoo baxay go’aano adag oo lagu beegsanayo cid kasta oo ku lug yeelata maalgelinta falalka argagixisada" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxweyne Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faray dhinacyada amaanka iney gacan bir ah ku qabtaan cid kasta oo ka qayb qaadata dhaqdhaqaaqyada lagu taageerayo maalgelinta argagixisada, islamarkaana sidoo kale ay ka hortagaan baadda ay ka qaataan shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa sidoo kale Madaxweynaha uu si adag uga digay ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed iney la macaamilaan kooxdaha argagaxisada ah, isagoona xusay in cid walba oo lagu helo la macaamilka kooxahaas in laga qaadi doono talaabo adag oo sharciga waafaqsan.
Ugu dambeyntii dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u qaaday talaaboyin culus oo ay kula dagaalameyso la dagaalanka maalinta kooxaha argagixisada ah, waxayna ku guuleysatay iney xirto Akoono iyo Nambaro badan oo kooxahaas lacago badan ugu soo dhici jireen.