12/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 4 , 2024
Mucaaradka Dowladda Fedaraalka oo ka horyimid Guddiga Doorashooyinka Qaranka
 

Arbaco, December, 4, 2024 (HOL) - Qaar ka mid ah masuuliyiinta Mucaraadka ee kasoo horjeeda dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa soo saaray Waraaxafadeed wadajir ah oo ay uga hadlayaan xaalada guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Warsaxafadeedkaan oo ay si wadajir ah u soo saareen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Raysal Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyrre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayay si cad uga hor yimaadeen guddiga doorashada ee Qaranka ee dhawaan la magacaabay.

Masuuliyiintaan ayaa qoraalkooda ku sheegay  inay si buuxda uga soo horjeedaan guddiga cusub ee la magacaabay, islamarkaana ay  ogeysiinayaan aragtidooda ka dhanka ah guddiga doorashooyinka saaxiibada Beesha caalamka.

“Madaxweyne Xasan wuxuu talada dalka la wareegay iyadoo uu dalku leeyahay Dastuur la isku raacsan yahay, xeerka doorasho, xisbiyada, iyo guddiga doorasho. Wuxu bedelay Dastuurkii dalka, wuxuu samaystay xeerar doorasho iyo kuwo xisbi, wuxuu magacawday guddiyo doorasho oo dhamaantood lagu jaangooyay rabitaankiisa shakhsiga ah” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay masuuliyiinta mucaaradka ah.

Warsaxafadeedka ayaa sidoo kale looga digay shacabka Soomaaliyeed halista ku xeeran xeerarka doorashooyinka, xisbiyada iyo guddiga uu madaxweynaha magacaabay oo ay tilmaamay iney ku dhisan yihiin dastuurkii sida sharcidarrada ah loo beddelay.

"Waxaan shacabka Soomaaliyeed, saamileyda kale ee siyaasaddda iyo saaxibada daneeya arrimaha Soomaaliya la socodsiineynaa inaan qaadacnay guddiga, xeerarka doorashada iyo kan xisbiyada, waxaana uga digeynaa inay ku kadsoomaan” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay masuuliyiinta mucaaradka ah.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo dhameystiran:-