12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 13, 2024
Fahad Yaasiin oo 5 Fariin ku micneeyay heshiiskii Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhacay Turkiga
 

Jimco, December, 13, 2024 (HOL) - Taliyihii hore ee Hay'adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin ayaa dhowr faaido ka sheegay qodobadii ay ku heshiiyeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ay Dowladda Turkigana ay garwadeen ka ahayd.

Fahad Yaasiin ayaa ugu horeeyn ku sheegay faaidada wada hadaladaasi kasoo baxay uu soo hoyay Madaxweyne Xasan Sheekh oo xaqiijiyay dhawrista madaxbannaanida dalka, burinta heshiiskii Muuse Biixi iyo dib u dhigidda heshiiska bixinta badda.

Fariinta 2aadna waxa uu ku micneeyay fursada uu helay Abiy Axmed oo uu sheegay inuu helay gaarista badda oo loo ogolaaday, galid iyo bixid ( In and out), damaanad qaadka dowlad saddexaad iyo joogista ciidankiisa Soomaaliya.

Mida 3aad ee Fariintaasi waxa uu ku minceenayay Faraj oo suu hoyatay Cabdiraxmaan Cirro Madaxweynaha Somaliland oo toban saac kahor intaanan xilka loo dhaarinin ba uu Alle faraj cirka uga soo riday, waxaana uu ku micneeyay Miinooyinkii uu uga tagay Muuse Biixi oo uu si sahal ah looga saaray jidka, waxana uu ku tilmaamay mid uu ku helaayo Nasiino maskaxeed iyo buuq la’aan inuu dadkiisa ugu shaqeeyo.

Fariinta 4aad ayaa waxa uu ku sheegay mid filanwaa ku noqotay Dowladaha Masar iyo Eratariya heshiiskan wuxuu ku noqon doonaa filanwaa, waxayse sugayaan dhaqan galintiisa iyo wadahadallada soo socda ee nooca gaarista Badda ee Itoobiya ay dooneyso.

Ugu dambeeyn qodobka 5aad ee fariintiisa waxa uu ku sheegay feejignaan Erayada la xiriiro gaarista badda inay yihiin kuwa u baahan la tashiyo sharci iyo taxadar dheeraad ah.